Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Duuliyayaasha oo ku dhex hurda diyaaradaha.

La daabacay onsdag 19 oktober 2011 kl 11.47
Diyaarad ku jirta hawada. Sawirle Adrin Snider/Scanpix

Midowga Duuliyayaasha Iswiidhan ayaa sheegay in badan oo ka mid ah baaylootyada ama duuliyayaasha in ay hurdaan marka ay ku jiraan shaqada oo ay kaxeynayaan diyaaradaha.

"Duuliyayaasha waa ay hurdaan marka ay soo kacaana oo ay eegaan hareertoodana waxay arkaan isla duuliyaha kale oo isna hurdaya " ayuu yiri madaxa ururka duuliyayaasha diyaaradaha ee Iswiidhan Gunnar Mandahl oo la hadlay Raadiyaha Iswiidhan.

Feker uruurin uu sammeeyay ururka ay leeyihiin duuliyayaasha oo su’aalo lagu weydiiyay 625 duuliye ayaa waxaa la soo daabacay maanta oo arbaca ah iyada oo rayi aruurintan ay sheegeyso in kala bar duuliyayaasha diyaaradha in ay seexdaan xilliga duulimaadka ay ku dhex jiraan iyaga oo ku dhex hurda halka diyaaradda laga kaxeeyo iyada oo toddobo ka mid ah tobankii duuliye ay sheegeen in ay sammeeyeen qaladaad inta ay ku guda jireen duulimaad taasina ay sabab u tahay daal haya.

Ururka duuliyayaasha ayaa doonaya in hayada gaadiidka dalka iyo wasiirada gaadiidka Catarina Elmsäter Svärd in ay u howl galaan sidii wax looga bedeli lahaa sharciyada midowga yurub ee saacadaha ay shaqeeyaan dadka kaxeeya diyaaradaha iyada oo ururka uu leeyahay taasi waxay faa’iido ugu jirtaa shirkadaha diyaaradaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".