Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Reinfeldt: Ma galeyno sanduuqa yurub ee badbaadada dhaqaalaha.

La daabacay onsdag 19 oktober 2011 kl 13.57
Ra'iisal wasaaraha Iswiidhan Reinfeldt.

Ra’iisal wasaaraha dalka Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa sheegay in Iswiidhan aysan ka mid noqon doonin sidoo kalana aysan bixin doonin lacagta sanduuq lacageedka midowga yurub ee loogu talagalay badbaadinta hanaanka bankiyada ee dhaqaalaha Yurub. Iyada oo Reinfeldt uu ka hadlay arrintan mar uu joogay baarlamanka oo su’aashan la weydiiyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Iswiidhan ay u baahantahay in ay ku taageerto bankiyaydeeda kaalmo cusub oo lacag  ah.

''Meesha ay doonto Yurub ha ahaato, markii ay jiraan dhibaatooyin qoto dheer oo ku qotoma hanaanka bankiyada, dhibakaasi wuu saameynayaa bankiyadeena ku yaala Iswiidhan sidaasi daraadeed waxay ila tahay in ay haboon tahay in aan isku dayno in aan caawino bankiyadeena laakiin ma dhahyo, waa in aan galnaa sanduuqa yurub ee EFSF'' ayuu yiri Reinfeldt.

EFSF  ayaa ah sanduuq lacageed ka jira Yurub laakiin ra’iisal wasaare Fredrik Reinfeldt ayaa sheegay in sanduuqaasi loogu tala galay dalalka isticmaala lacagta Euro iyada oo qaar ka mid ah dalalkaasi ay hadda ka jirto mishaakil xaga dhaqaalaha.

Maalinta Isniinta ayaa waxaa ka furmaya magaaladda Brussels ee xarunta mdowga Yurub shir ay isugu imaanayaan madaxda dhaqaalaha ee qaaradda kaasi loo filayo in uu ka soo baxo hindisooyin ku aadan xal u helida mishaakilka dhaqaalaha ee qaarada Yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".