Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka socdaalka oo mowqifkiisa ku dhegan.

La daabacay onsdag 19 oktober 2011 kl 14.37
Wasiirka socdaalkaTobias Billström. Sawirle: Patrik Hekkala/Sveriges Radio

Wasiirka socdaalka ee Iswiidhan Tobias Billström ayaa u muuqan nin waxa ka bedelaya mowqifkiisa ku aadan ad adkaanshaha sharciyada soo galootiga ka dib markii maalintii shalay daqiiqadii u dambeysay la baajiyay amar dalka lagaga saari lahaa haweeney da’ ah oo u dhalatay dalka Ukraine.

Nuqulka soo baxay maanta ee wargeyska Expressen ayuu ku dafiray wasiirka socdaalka in uu isaga go’aamiyay is bedelada ku yimid arrinta haweeneyda reer Ukraine ee Ganna Chyzhevska.

Ganna Chyzhevska oo 91 jir xanuunsaneysa waxaana shalay ay qarka u fuushay in laga ceyriyo Iswiidhan iyada oo gabar ay dhashay iyo caruurteeda ay deganyihiin Iswiidhan oo cid ay ka heli karto daryeelna aysan u joogin Ukraine.

Xisbiga dooga ama (Miljöpartiet) oo heshiis xagga socdaalka ah la galay dowlada iyo xisbiga bidixda ayaa muddo dheer doonayay in wax laga bedelo sharciyada adag ee xagga socdaalka balse wasiirka socdaalka ayaa diidan arrintaasi.

Cishooyinka dambe xitaa xisbiyada kale sida xisbiga Sooshiyaal Dimoqraadiga,  Kristiyan Dimoqraadiga iyo xisbiga dadweynaha ama (Folkpartiet) ayaa siyaabo kala duwan u doonayo in wax laga bedelo sharciyada adag ee socdaalka.

Maalintii shalayna waxaa istuudiyaha 1-aad ee Raadiyaha Iswiidhan joogtay Cabiir Al Saxlaani oo ah xubin ka tirsan baarlamanka kana tirsan xisbiga dhexe iyada oo sheegtay in ay muhiim tahay in sharciga wax laga bedelo.

Cabiir laftigeeda ayaa shalay ka mid aheyd dadkii isugu tegay garoonka Arlanda si loo joojiyo masaafuriska haweeneyda da’da ah ee u dhalatay Ukraine.

Su’aashan imminka la is weydiin karo ayaa ah ilaa iyo intii ay sii socon doontaa mowjada hadda jirta iyo ilaa iyo intee ayuu wasiirka socdaalka Tobias Ström ku sii adkeysan doonaa mowqifkiisa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".