Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka maaliyada oo wada qorshe shaqo.

La daabacay onsdag 19 oktober 2011 kl 15.33
Wasiirka maaliyada Anders Borg

Wasiirka maaliyada Anders Borg ayaa wada qorshe uu doonayo in ururada shaqaalaha iyo shirkadaha bixiya shaqooyinka in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa shaqooyin waqtiyadooda uu yaryahay  musharkoodana uu hooseeyo si buu yiri dhalinyaro badan u soo galaan suuqa shaqada.

Wasiirka maaliyadda oo u waramay Raadiyaha Iswiidhan ayaa sheegay in dalalka Jarmalka, Austriya iyo Holland in uu ka jiro hanaan ah in hoos loo dhigo saacadaha shaqada markii uu jiro mishaakil si fursad loo siiyo shaqaale dheeri ah in ay soo galaan suuqa shaqada.

Anders Borg ayaa sheegay in dowlada ay hoos u dhigi karto cashuurta laga qaado shirkadaha dadka shaqaaleysiiya ama in wax laga bedelo sharciyada lacagaha kaalmade ee shaqo la’aanta si buu yiri gacan loogu geysto in la abuuro hanaankan shaqooyinka waqtiyada yar.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".