Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Baaritaanka dilka cunugii afarka jirka oo dar dar ku socda.

La daabacay onsdag 19 oktober 2011 kl 16.48
Shirka jaraa'id ee galabta iyo khabiir baare ah. Sawirle/Montage: Scanpix/Sveriges Radio

Waxaa si xowli ah ku socda baaritaanka cunug afar jir ahaa oo lagu dilay degmada Ljungby ee galbeedk iswiidhan iyada oo imminka baaritaanka ay ku soo biireen khubaro boolis ah oo ku xeel dheereeya baaritaanada dadka geysta dambiyada.

Ilaa iyo sodon saraakiil oo boolis ah ayaa ka shaqeyneysa meesha uu ka dhacay fal dambilyeedka lagu dilay wiilkaasi yar iyada oo booliska ay su’aalo weydiiyeen boqol qof oo isugu jira caruur iyo dad qaan gaar ah oo ku nool degmadaasi.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah  galabta ay wada qabteen booliska iyo Yvonne Rudingsson oo ah dacwad ooge qaran ayaa waxay sheegeen in wax badan aysan sheegi karin sababta oo ah waxay sheegeen in ay dhowrayaan baaritaanka socda hase yeeshee qaar warbaahinta ka mid ah oo ay ku jirto wakaaladda wararka ee TT ayaa waxay sheegeen in mid ka mid ah aragtida ugu weyn ee booliska ay tahay in qofka dilaaga ah ee kiiska cunuga afar jirka ah in uu noqon karo isla cunug kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".