Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Booliska oo cidna u soo xirin dil ka dhacay Alingsås

La daabacay torsdag 20 oktober 2011 kl 11.24
Booliska oo jooga goobta uu ka dhacay dilka ee Alingsås.

Booliska ayaa weli u soo qaban cidna dil labo ruux oo waayeel ah oo ka dhacay deegaan la yiraahdo i Långared oo ku yaalla meel in yar u jirta degmada Alingsås.

Labadda ruux ee da’da ah ayaa lagu dhex dilay beer ay lahaayeen.

’’Baaritaanka farsamada ee fal dambiyeedkan xalay waan hakinay saakay dib ayuu u bilowday,  ayuu yiri Ulf Edberg oo ah afhayeenka booliska qeybta dambi baarista ee  gobolka västra Götaland.

Weli waxaan kala caddeyn waxa ku dhacay lamaanaha waayeelka ee meesha lagu dilay iyada oo shalay gelinkii dambe labadan ruux lagu waday in ay tagaan meel ay balan ku lahaayeen balse aysan tegin.

Weli waxaa jirin cid loogu shakisanyahay dilka labadan lamaane oo si waxooshnimo ah loo dilay iyada oo booliska ay weli baarayaan inta ka soo wareegtay dilkooda balse Ulf Edberg oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in ay jirto aragti ah  labada ruux la dilay oo halkaasi uu ka dhacay fal dambiyeed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".