Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Wararka Dhimashada Qadaafi

Reinfeldt oo soo dhoweeyay dhamaashaha waqtiga Qadaafi.

La daabacay torsdag 20 oktober 2011 kl 16.42
1 av 3
Muammar Kadaffi oo la sheegay in uu dhintay.Sawirle:Pier Paolo Cito/Scanpix.
2 av 3
Goobta lagu dhaawacay Qadaafi maanta. Foto: Philippe Desmazes/Scanpix
3 av 3
Dad Tripoli u dabaal degaya qabashada iyo geerida Qadaafi

Ra’iisal wasaaraha dalka Iswiidhan Fredrik Reinfeldt ayaa soo dhoweeyay dhaamashaha waqtiga hoggaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi oo markii dambe u geeriyooday dhaawac soo gaaray xilli maalintii shalay ay ku qabteen  ciidamadda golaha ku meel gaarka ee dalkaasi dagaal qaraar oo ka dhacay magaaladda Sirte.

”Waqti yar ka hor bay aheyd markii Qadaafi uu ku maamulayay Liibiya awood militeri uuna qarka u saarnaa in uu xasuuq ka fuliyo magaaladda Bengazi, hadda waa ay uu tegay awoodiisana waa ay bur burtay” ayuu yiri Reinfeldt oo jawaab ka bixinayay warka qabashada iyo geerida Qadaafi.

“Soo qabashada Qadaafi, dhismaha Liibiyada cusub ayaa dhabtii bilaaban karta. Liibiyada cusub waxay u baahntahay kaalmadeena oo wadata dadaal gargaar sida qeybta caafimaadka, dhisda ururada bulshada iyo xaquuuqda  dimoqraadiyada tanina waxaan rajeynayaa in ay gacan ka geysan karto dhismaha duni carab oo cusub iyo waqooyiga Afrika oo cusub,”  ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisal wasaare Reinfeldt.

Nin ka tirsan kooxaha mucaaradka Liibiya oo ku nool Iswiidhan lana yiraahdo Shaban Elgale ayaa ku yiri wakaaladda wararka ee TT  "Liibiya  waa ay ka xarowday Qdaafi iyo taliskiisa, waa farxad weyn afartan iyo labo sano ka dib xor baynu noqonay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".