Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qorshihii dib u-habeynta shirkada Saab

La daabacay torsdag 20 oktober 2011 kl 17.04
Baabuurta ay sammeyso Saab. Sawirle: Scanpix.

Guy Lofalk ahaana qareenkii loo xil-saaray inuu hor-kaco dib-u-habeeyntii lagu sameeyn lahaa shirkadda Saab ayaa soo jeediyay in dib go'aankaa looga nodo, sida ku cad war-saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Swedish Automobile.

Maxkamadda degmada ayay saaran tahay masuuliyada inay codsigaa go'aan ka gaarto iyo in la joojiyo go'aanka dib u habeeynta shirkadda.

Haddii ay dhacdo in maxkamaddu go'aan middaa ku gaarto waxaa dib u soo cusboonaanaya dalabyadii shirkadda hor-yaalay ahaana in busaarad la geliyo si deeyamaha lagu lahaa loo soo saari karo.

Sida wararku sheegayaan shirkadda Saab ayaa dhankeeda sheegtay iney dalban doonto in qareenka Guy Lofalk la bedelo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".