Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Aaska Qadaafi oo dib loo dhigay.

La daabacay fredag 21 oktober 2011 kl 09.49
1 av 4
Qadaafi oo nool balse dhaawac ah maalintii shalay. Sawirka: AFP/Misrata Hurra/Scanpix
Dabaal degyo mar qura ka wada bilowday caasimadda Tripoli ka dib markii la shaaciyay in Qadaafi la dilay. Sawirka. Abdel magid Al-fergany/Scanpix
2 av 4
Dabaal degyo mar qura ka wada bilowday caasimadda Tripoli ka dib markii la shaaciyay in Qadaafi la dilay. Sawirka. Abdel magid Al-fergany/Scanpix
Godka uu galay ee kooxaha ka soo horjeeda ay ka soo saareen. Sawirle: Philippe Desmezes/Scanpix.
3 av 4
Godka uu galay ee kooxaha ka soo horjeeda ay ka soo saareen. Sawirle: Philippe Desmezes/Scanpix.
Dagaalyahana oo ku dabaal degaya magaalada Sirte ka dibmarkii la dilay Qadaafi. Foto: AP/Scanpix
4 av 4
Dagaalyahana oo ku dabaal degaya magaalada Sirte ka dibmarkii la dilay Qadaafi. Foto: AP/Scanpix

Waxaa dib loo dhigay aas qarsoodi ah oo maanta lagu duugi lahaa Hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi iyada oo dib u dhaca arrinta lagu sheegay in ay ku xiriirsantahay si loo sammeeyo baaritaan ku saabsan qaabka loo dilay Qadaafi.

Qadaafi ayaa shalay waxaa la qabtay isaga oo nool mar dagaal xoogan uu ka dhacay magaaladda uu ku dhashay ee Sirta balse waxaan weli kala caddeyn sida uu u dhacay dilkiisa iyada oo ay soo baxayaan warar is khilaafsan.

Dhaqtar ka tirsan Cisbtaalka Magaaladda Misurata oo ah halka uu yaalo meydka Qadaafi ayaa sheegay in korneylka uu u dhintay xabad caloosha kaga dhacday.

Sida ay sheegeen golaha ku meel gaarka ee hadda maamula dalka Liibiya Qadaafi ayaa waxaa uu ku dhintay israsaaseen dhex martay taageerayaashiisa iyo xoogaga gacanta ku dhigay laakiin sidoo kale waxaa jira war sheegaya in ciidamadda maamulka cusub ee Liibiya ay iyagu toogteen ka dib markii ay qabteen.

Mid ka mid ah filimo laga sooo duubay xilliga la qabtay Qadaafi ayaa waxaa ka muuqday Qadaafi oo madaxiisa dhiig ka socdo balse nool una muuqda nin ku baryootamaya in la badbaadiyo oo aan la dilin iyada oo kooxda heysana ay ku qeylinayaan Ilaa baa weyn.

Isla fiidyogaasi ayaa waxaa sidoo kale ka muuqday qof ku dhufanaya Qadaafi kab iyao isaga oo dhulka yaalla oo shaarkii uu xirnaa uu jeexanyahay mid ka mid ah ragga haayayna uu ka jiidayo tinta.

Sida ay shalay aroortii ay wax u dhaceen ayaa lagu sheegay sida markii saacaddu ay aheyd labo saac iyo bar waqtiga dalka Liibiya ayaa Korneel Qadaafi waxuu isku dayay in uu kaga baxsado Sirte kolonyo gaadiid ah balse kolonyadaasi ayaa joogsaday markii ay weerareen diyaaradaha NATO nasiib wanaag Qadaafi gaariga uu saarnaa ayaa la leeyahay aan waxba gaarin isaga oo ka dib ku baxsaday gaari nooca Jiibka la yiraahdo waxuuna isaga iyo raggii ugu dhowaa ee la socday ay gabaad ahaan u galeyn dhuun kuwa buudooyinka ee biyaha ay maraan halkaasi oo ay ku hareereeyeen kooxaha mucaaradka dagaal kooban ka dib ay qasab noqotay in Qadaafi gacanta u galo kooxaha ka soo horjeeday.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".