Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhakhtar lagu waayay dambi lagu soo oogay

La daabacay fredag 21 oktober 2011 kl 11.26
Sawir gacmeed laga sammeeyay sida ay maanta u dhacday dacwada dhaqtarada. Sawirka: Scanpix

Maxkamadda degmada Solna ayaa sii deysay haweeney dhakhtar ah oo loo heystay dambi ah in ay ku dishay caruur yar cisbitaal caruurta lagu daweeyo oo la yiraahdo cisbitaalka caruurta ee Astrid Lindgren oo ku yaala Solna.

Maxkamada ayaa sheegtay in aysan jirin caddeyn muujineysa in halkaasi uu dambi ka dhacay iyada oo sidoo kale maxkmada ku sheegtay go’aankeeda in sidoo kale aysan jirn caddeyn muujineysa in dhaqtarada ay sammeysay wax qalad ah oo aan la xiriirin daweyn.

Dhakhtarada ayaa loo heystay dacwad ah in ay siisay cunuga yar ee dhintay heer badan oo ah dawo la yiraahdo tiopental oo ah dawo hurda siisa dadka taasi oo ay ku andacoonayaan dacwad oogayaasha in ay sababtay in cunuga yar uu dhinto.

Marie Wedin oo ah guddoomiyaha midowga dhaqaatiirta Iswiidhan ayaa soo dhoweysay sii deynta dhaqtarada iyada oo sheegtay in ay tahay arrin wanaagsan in dhakhtarada la sii daayo.

’’ Waxaa la rajeyn karaa in arrinka laga sii gudbo ha noqoto dhanka dhakhtarada, dhanka waalidka dhalay cunuga dhintay iyo in si sax ah loogu murugooda cunugaa yarka.’’  Ayay tiri Marie.

Mar Marie Wedin ayaa la weydiiyay cawaaqibka uu yeelan karo arrinka dacwada dhaqtaradan la sii daayay waxayna tiri ’’Dhinaca caafimaadka haddii aan ka hadlo iima muuqato wax cawaaqib ah waayo dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka intaba waa dad u tababaran in ay aysan saammeyn ku yeelan ama cawaaqib aysan ku yeelan arrintan dhaka bulshada ma garan karo cawaaqib ay yeelankarto laakiin ma dooneyno in Iswiidhan ay noqoto sida Mareykanka oo kale halkaasi oo qofka u dacwoonayo booliska haddii uu umaleeyo in si qalad ah loo daaweeyay.

Cunug yar ee dhintay ayaa ahaa gabar saddex bil jir ah waxayna ku dhimatay cisbtaal caruurta la gu daweeyo oo ku yaalla Solna sannadkii 2008-da.

Waalidka dhalay gabadhaasi ayaa booliska u gudbiyay dacwad ah in gabadhooda si qalad ah loo daweeyay iyada oo baaritaan lagu sammeeyay gabadha jirkeeda laga helay heer badan oo ah dawada lagu hurdo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".