Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Go’aankii lagu joojiyay baaritaankii Håkan Juholt oo aan dib loo eegi doonin.

La daabacay fredag 21 oktober 2011 kl 13.30
Håkan oo safar ku maraya gobolada dalka

Waxaa la shaaciyay in aan mar kale dib loo eegi doonin go’aankii lagu joojiyay baaritaan is daba marin lacag oo  mar ku socday hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaal Dimoqraadiga Håkan Juholt.

Sida uu sheegay dacwad oogaha guud Thomas Häggström ujeedada loo gaaray go’aanka ayaa ah in labadda qof e eka dambeysay in dib loo eego go’aanka lagu joojiyay baaritaankii Juholt in labadaasi qof aysan xaq u laheyn in ay sidaasi dalbadaan.

Waxaa la sheegayaa in ay noqon karto dad dano gaar ah wata ama ay dhici karo in hayad ka tirsan dowlada cida dalbatay in dib loo eego go’aanka lagu joojiyay baaritaanka Juholt iayaga oo u arki kara in laga dacwoon karo go’aankaasi.

Labo qof oo aan la gareyn ayaa u gudbiyay xafiiska dacwad oogaha guud in go’aankaasi dib loo eego.

Arrinta dib u eegista ayaa ku saabsaneed go’aan uu qaatay jimcihii hore dacwad ooge lagu magacaabo Björn Ericsson oo ahaa in la joojiyo baaritaan ku saabsanaa arrin lacag ah oo la xiriirtay kiro guri uu deganyahay hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".