Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dirista dayax gacmeedka Galileo oo dib u dhacday.

La daabacay fredag 21 oktober 2011 kl 14.51
Dayax gacmeedka Galileo oo ka duuli lahaa French Guina Photo: S. Corvaja / AP / Scanpix

Waxaa dib u dhac uu ku yimid hawa u dirista qeybaha ugu horreeya dayax gamceed cusub oo qaaradda yurub leedahay iyada oo uu xambaarayo hanaanka jiheeya caalamiga ee la yiraahdo (GPS) iyada oo dib u dhaca ku yimid ay sabab u tahay cilad timid marka lagu shubayay shidaalka.

Dayax gacmeedkan oo loogu magac daray Galileo ee ay wadaan wadamo yurub ah oo ay ku jirto Iswiidhan ayaa jawaab u noqon doona hanaanka jiheeya Mareykanka oo ahaa midka keliya ee caalamka ka jira si weyna looga isticmaalo adduunyada.

Guud ahaan dhammeystirka hanaanka dayax gacmeedka Gallileo ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo sanadka 2020-ka iyada oo tirada guud ee dayaxgacmeedyada ay noqon doonaan 30 xabo.

Hanaanka jiheeyaha ayaa noqon doona mid saxnaashihiisa tilmaamta ay aad u u sarreyso xitaa iyada oo la sheegayo in masaafada hal mitir gudihiisa uu wax ku hagi doono.

Ku dhowaad toban meelood qeybaha muhiim ah ee dayax gacmeedkan jiheeyaha ah ayaa waxaa iska leh Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".