Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirweynaha Moderat-ka oo socda maalintii labaad.

La daabacay fredag 21 oktober 2011 kl 15.04
Hoggaamiyaha xisbiga Moderat-ka Fredrik Reinfeldt oo shalay ku furaya Örebro shirweynaha xisbigiis. Foto:Conny Sillén/Scanpix

Magaalad Örbro ayaa shalay waxaa ka furmay shirweynaha xisbiga  Mudaraatka iyada oo kulanka uu furay hoggamiyaha xisbigaasi ahna ra’iisal wasaaraha dalka Fredrik Reinfeldt.

Shirkani ayaa socon doona muddo afar cisho ah iyada oo ay ka qeyb gelayaan ilaa iyo 200 oo siyaasiyiin waxaana sidoo kale lagu gorfeyn doonaa ilaa iyo 180 ajenda.

Reinfeldt ayaa  difaacay fikirka xulufada isku-tagga ee talada dalka haya, isagoona sheegay in xisbiga uu hogaamiyo ku tala-jiro inuu noqdo xisbi ka shaqeeya danaha bulshada inteeda badan.

’Ma jirto howl ka adag in xisbi la gaarsiiyo inuu noqdo xisbi qaran ee u daneeya danaha bulshada inteeda badan, ayuu yiri Fredrik Reinfeldt.

Shirka ayaa maanta waxaa looga hadlay arrimo la xiriira howlaha laga qabto guryaha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".