Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadka sharci la’aanta ah iyo dhaqida baabuurta ee suuqa madow.

La daabacay måndag 24 oktober 2011 kl 10.08
Cali oo ah qof aan sharci laheyn ayaa maalintii toban saacadood waxuu gacantiisa ku dhaqaa baabuur. Sawirle: Scanpix.

Waxaa sii kordhaya dadka sharci la’aanta ah iyo kuwa magan gelyo doonka ee sida suuq madowga ugu shaqeysta meherada baabuur dhaqista iyada oo la sheegayo in dadkani ay ku shaqeeyaan lacag aad u raqiis ah.

Goobaha lagu dhaqdo gaadiidka ayaa ugu yabooha dadka in baabuurtooda loogu dhaqo gacan iyada oo qarashka laga qaadayo uu yahay mid jaban.

Mid ka mid ah dadka suuqa madow ku dhaqa baabuurta lana yiraahdo Cali ayaa sheegay in saacadii uu ku shaqeeyo soddon Karoon isaga oo sheegay in si walba oo uu u shaqeeyo inuusan heli karin maalintii in ka badan saddex boqol oo Karoon.

Cali ayaa ka shaqeeya goob baabuurta lagu dhaqdo oo ku taalla meel in yar ka baxsan magaaladda Göteborg waxuuna baabuurta uu dhaqaa toban saacdood maalintii.

Ninkani ayaa waxuu sheegay in shaqada ay adagtahay oo xitaa dareenka uu ka tago lugihiisa sida uu u taaganyahay balse waxuu sheegay in uu baday in sidaasi u noolaado maadaama uusan heysan sharci.

Cali ayaa sheegay in Iswiidhan uu ku noolyahay tan iyo  2007 iyada oo labaddi sano ee u dambeysay uu ku noolaa si dhuumaaleysi ah.

Barnaamij ka baxa idaacadda P1 lana yiraahdo Kaliber kashifay jiritaanka dadkan suuqa madow ugu shaqeysta meherada baabuur dhaqida.

Dhinaca kale Conny Svensson oo ka tirsan xafiiska cashuurta ayaa sheegay in hayadooda ay la socoto in dalka oo idil ay ka jiraan dad sidan u shaqeysta isaga oo ku tilmaamay dadka ka macaashaya muruqa inta aan sharciga laheyn ay yihiin dad aan wanaagsaneen isagoona ku tilmaamay arrintan in ay u dhiganto ka ganacsiga bina’aadamka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".