Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirweynihii xisbiga Moderat-ka oo dhammaaday.

La daabacay måndag 24 oktober 2011 kl 10.36
Golaha cusub ee xisbiga Moderat-ka laguna doortay shirweynaha Örebro

Waxaa maalintii shalay ee Axada aheyd ku soo dhammaaday magaaladda Örebro shirweynihii xisbiga Moderat-ka iyada oo barnaamijka siyaasadda ee ka soo baxay shirkaasi ay ka muuqdaan labo aragtiyo  oo kala ah cadaalad iyo daryeel loo wada siman.

Fekerka barnaamijkan siyaasadda ee xisbiga ayaa ah kii ugu horreeyay ee la qaato inta ay xisbiga dhexdiisa ka soo muuqdeen ’’Nya Moderaterna’’ iyada oo imminka barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga ay ku jiraan aragti ahaan siyaasado ku dhow kuwa uu ku dhaqmi jiray xisbiga Sooshiiyaalka.

Barnaamijka siyaasada ee ka soo baxay shirweynaha ku soo idlaaday Örebro shalay ayaa waxaa si cad loogu sheegay in xisbiga Moderat-ka uu yahay xisbi bulshada daneeya kana shaqeeya danta guud.

Guddoomiyaha xisbiga Moderat-ka ahna ra’iisal wasaaraha xilligan ee Iswiidhan Fredrik Reinfeldt oo khudbad ka jeediyay shirweynaga maalintii sabtida ayaa yiri

’’ Doorashadii 2006 waxaan aheyn nidaamka dowladeed ee loo qaateenka ahaa,  doorashadii 2010-ka waxaan aheyn nidaamka dhabta ee xagga dowladnimada, saaxiibayaal doorashada soo socota ee 2014-ka waxaan nahay dowlada keliya ee la qaadan karo’’

Shir weynaha xisbiga Moderat-ka ayaa socda muddo afar cisho ah waxaana ka qeyb galay 200 oo siyaasiyiin iyada oo  lagu gorfeeyay 180 ajenda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".