Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoos u dhac cusub taageerada xisbiga S

La daabacay måndag 24 oktober 2011 kl 10.59
Astaanta xisbiga Sooshiyaalka. Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Ra'yi uruurin ay sammeysay hayada Sifo ayaa waxay muujineysaa in taageerada xisbiga Sooshiyaal dimoqraadiga ay gaartay heerkii ugu hooseeyay oo ah 25,5 boqolkiiba iyada oo tani ay noqoneyso rikoodh cusub oo ah taageeradii ugu yareed ee xisbiga tan iyo markii la aasaasay hayada uruurisa ra’yiga ee Sifo 1967.

Saddex toddobaad ka hor inta aysan soo shaac bixin mishaakilkii harreeyay hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaalka Håkan Juholt taageeradda xisbiga ayaa waxay aheyd 35 boqolkiiba.

Isla dhinaca kale taageerada xisbiga Moderat-ka ayaa sare ugu soo kacday 28,2 boqolkiiba iyada oo ay noqotay 34,8 boqolkiiba.

Natiijada ray’yi uruurinta ee hayda Sifo ayaa yeelan karta qalad saddex boqolkiiba ah maadaama hayada ay wareysatay dad ka yar kun ruux.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".