Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Isbedel lagu wado heshiiska midowga yurub

La daabacay måndag 24 oktober 2011 kl 11.56
Calanka dalalka Midowga Yurub. Sawirle: Adrian Dennis/Scanpix

Kulan aad u sarreeyay oo maalintii sabtida iyo axada ay wasiirada maaliyada ee  midowga yurub ka yeesheen mishaakilka dhaqaalaha ee saameeyay qaaradda ayaan ka soo bixin natiijo wax ku ool ah laakiin midowga yurub ayaa qaaday tallaabo cad oo uu ku doonayo in wax lagaga bedelo heshiiska midowga iyada oo la qorsheynayo in si weyn looga wada shaqeeyo xal u helida mishaakilka dhaqaalaha ee ka taagan dalalka isticmaala lacagta Euro-da.

Haweeneyda ah ra’iisal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa iyadu waxay la tahay in wax laga bedelo heshiiska uu ku dhisanyahay midowga Yurub iyada oo taasina uu ka soo hor jeedo ra’iisal wasaaraha Iswiidhan Fredrik Reinfeldt.

Ra’iisal wasaaraha Iswiidhan ayaa waxay la tahay in aysan kala caddeyn waxa uu horseedi karo isbedellka la sheegayo in lagu sammeeyo heshiiska midowga Yurub iyo sida isbedelkaasi loo fulinaayo.

Fredrik Reinfeldt ayaa sheegay inta aan lagu dhaqaaqin isbedel lagu sammeeyo heshiiska midowga yurub in dad badan ay tilmaamayaan in ay jirto fursado kale tusaale ahaan in dalalka ku jiro midowga Yurub in ay hagaajiyaan oo ay adkeeyaan miisaniyadooda.

Madaxa hadda la doortay ee midowga Yurub Herman van Rompuy ayaa laga doonaya in ilaa iyo  bisha Diseembar ee soo socta uu sii diyaariyo sida wax looga bedeli karo heshiiska uu ku dhisan yahay midowga Yurub ee Lisbon iyo sida loogu qasbi karo dalalka isticmaala lacagta Euro-da in ay raacaan heshiisyada siyaasadda dhaqaalaha ee ururka.

Is bedeladan la hadal hayo ayaa waxaa keliya uu quseeyaa dalaka 17 ah ee isticmaala lacagta Euro-da hase yeeshee waa in ay oggolaadaan guud ahaan 27 dal ee xubnaha ka ah midowga Yurub.

Wasiiradda maaliyadda ee qaaradda Yurub ayaa sii yeelan kal fadhi aan caadi aheyn habeenimada arbacada iyada oona la filayo in go’aano kale soo baxaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".