Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadaha dalka oo maanta soo bandhigay warbixino.

La daabacay tisdag 25 oktober 2011 kl 10.49
Astaanta shirkada Volvo. Sawirle: Janerik Henriksson/Scanpix.

Waxaa maanta warbixino ku saabsan tayada iyo faa'idada ay heleen soo bandhigay saddex ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee Iswiidhan iyada oo shirkada sammeysa baaburrta ee Volvo ay sheegtay in ay faa’iday sagaalkii bilood ee aynu soo dhaafnay lacag gaareysa 5,4 milyaardi oo karoonka Iswidhishka ah.

Sidoo kale shirkada SCA oo ka shaqeysa dhirta ayaa iyana sheegtay in ay in ay faa’iday 2,1 milyaardi oo karoon halka bankiga Swedbank uu helay faa’ida gaareysa 4,3 milyaardi oo karoon.

Shirkadaha dalka ayaa weli helaya faa’idooyin ganasiga ay ku howlan yihiin marka laga hadlayo sagaalkii bilood ee aynu soo dhaafnay hase ahaatee waxaa iyana jirta in dhbaatada xagga dhaqaalaha ee ka taagan qaar ka mid ah dalalka Yurub ay saameysay wax soo saarka shirkadaha Iswiidhan.

Tusaale ahaan shirkada sammeysay basaska iyo gawaarida xamuulka ee Scania ayaa sheegtay dhowaanahan in ay hoos u dhigeysa wax soo saarkeeda baabuurta inta u dhaxeysa 10-15 boqolkiiba iyada oo tani ay saammeyn doonto shaqaala gaaraya 900 oo shirkada ugu shaqeeya si ku meel gaar ah.

Shirkada farsamada ee SKF iyo shirkad kale oo ka shaqeysa dhirta lana yiraahdo Stora Enso ayaa iyaguna waxaa ka muuqda calaamadaha saameynta mushkilada dhaqaalaha qaaradda iyada oo bankiga  Nordea uu doonayo imminka in uu sammeeyo shaqaale dhimis gaareysa 2000 oo qof.

Shirkado badan ayaa warbixinadooda ku sheegay in mustaqbalka uusan u caddeyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".