Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maalgeliyaasha Shiinaha oo sheegay in weli uu jiro heshiiska shirka Saab

La daabacay tisdag 25 oktober 2011 kl 11.10
Victor Muller, Madax shirkada Saab. Sawirle: Victor Jensen/P4 Väst.

Labo shirkadood oo Shiinaha laga leeyahay maalgeliyana shirkada baabuurta sammeysa ee Saab ayaa sheegay in weli sidiisa uu yahay heshiiska kala dhaxeeyay shirkada Saab sida lagu faafiyay warbixin xagga seyladaha ah ee dalkaasi Shiinaha.

Maalintii Axada ayuu madaxa shirkada Saab, Victor Muller waxuu sheegay in ay shirkada ay ka baxday heshiis maal gashi oo kala dhaxeeyay shirkadaha Youngman iyo Pang maadama shirkada  Youngman ay bixin weysay lacag la doonayay in dib u habeyn loogu sammeeyo shirkada Saab.

Heshiiska ka dhaxeeyay shirkada Saab iyo labada shirkadood ee Shiinaha ayaa waxuu qorayay in shirkadaha Shiineeska ay ku maal geliyaan Saab lacag gaareysa 2,2 miljardi oo karoonka

Shirkadaha Shiinaha ayaa sheegay maanta in ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan ballan qaadkooda ahaa in dhaqaale ahaan ay caawiyaan shirkada Saab si dib u habeyn loogu sammeeyo.

Ka dib markii maanta ay soo saareen labada shirkadooda ee Shiinaha hadalka ah in weli sidiisa uu u taagan heshiiska ay la leeyihiin Saab ayaa waxaa durabdiiba 10 boqolkiiba sare u kacay saamiga shirkada Swedish Automobiles ee ah shirkada iska leh Saab ee seylada magaaladda Amsterdam.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".