Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Diyaardihii dagaalka Liibiya oo maanta dib ugu soo noqonaya dalka

La daabacay tisdag 25 oktober 2011 kl 11.27
Diyaaradaha Iswiidhan ee ka qeyb qaatay dagaalka Liibiya

Waxaa maanta dalka Iswiidhan dib ugu soo laabanaya shan ka mid ah diyaaradaha dagaalka Gripen ee ka qeyb qaatay howlgalkii dagaalkii Liibya iyada oo la filayo in maanta gelinka hore ay ku soo degaan garoon ay iska leeyihiin ciidmada cirka talayaaniga oo ku yaalla jasiirada Sicily.

Diyaaradahan ayaa sammeeyay bishan howl galkoodii ugu dambeeyay ee Liibiya waxaana maanta kolka ay yimaadaan garoonka ciidamada badda ee Sigonella ee jasiirada Sicily ka dib u soo gudi doonaan garoon ay leeyihiin ciidamadda cirka Iswiidhan oo ku yaalla degmada Kallinge ee gobolka Blekinge.

Iswiidhan ayaa ku biirtay howlgalka dagaalka Liibiya 2-dii bishii April ee sannadkan waxaana kaga maqnaa howlgalkaasi ku dhowaad 140 shaqaale iyada oo maanta keliya shan duuliye ay dalka dib ugu soo noqonayaan inta hartayna ay imaan doonaan maalinta Sabtida.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".