Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qadaafi oo Qarsoodi lagu Aasey

La daabacay tisdag 25 oktober 2011 kl 12.28

Saaka aroornimadii ayaa meel aan la garanayn si qarsoodiya loogu aasay Mucammar Qadaafi, hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya, isagoona aaney goob-joog ka ahayn qooyskiisii. Hase yeeshee ey goob-joogeyaal ka ahaayeen qaar ka mid ah guddiga ku-meel-gaarka maamulka Liibiya. Hoggaanka ku-meel-gaarka ee Liibiya oo dhowaantan ku dhawaaqay in aan dalka lagu maamuli doonin wax ka hor-imanaya xeerka shareecada Islaamka ayaa haddana ka tallaabsaday in sida diinta islaamku qabto loo aaso hogaamiyihii hore ee Liibiya.

In si qarsoodiya loo xabaali doono Qadaafi ayey go'aankooda ah hore ugu sheegeen maamulka cusub ee dalka Liibiya.

Iyagoona middaa uga gol lahaa in aan qabriga qadaafi noqon meel ey ku soo hirtaan dadyowga taabacsan ama hore u taabacsanaa.

Qadaafi ayaa si wada-jir ah loo wada aasey Mu'tasim kana mid ahaa wiilashiisa iyo Abu Bakar Yuunis Jaber, ahaana wasiirkii hore ee difaaca dalka Liibiya.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".