Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadaha Waaweyn ee Dalka Iyo Dhaqaalaha Cakiran

La daabacay tisdag 25 oktober 2011 kl 14.36

Shirkadaha waaweyn ee dalka ayaa isku diyaarinaya sidii ey isku caateeyn lahaayeen, iyadoona middaa ugu wacan tahay wel-welka dhaqaale ee caalamka ka aloosan iyo hoos u dhaca alaabada dalkani dibadda u dhoofiyo. Shirkadaha qaarkood oo soo ban-dhigay war-bixinno la xiriira dhaqaalahooda ee saddexdii bilood ee ugu dambeeyey ayaa u gacan haadinaya sidii ey ku dhimi lahaayeen shaqaalahooda, xitaa haddii qaar ka mid ah shirkadahaa uu dhaqaalahoodu ku sugan yahay xaalad wanaagsan.

Qaar ka mid ah shirkadaha ayaa war-bixinnadooda ku soo ban-dhigay in macaashkoodu kor u sii kacay. Shirkadda gawaarida xamuulka iyo kuwa yar yar ee Volvo AB ayaa soo ban-dhigtay inay macaash ku heshay gaaraya 5.8 milyaard oo koron saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. Waana mid hal milyaard oo koron dheer marka loo barbar-dhigo sannadkii ina dhaafay xilligan oo kaleeto, halka uu suuqa ganacsigu ka filayay macaash intaa ka badan.

Shirkadda Volvo ayaan ka welwelsanayn inay sannadka hoos u dhacaan suuq-geeynta alaabadeeda, hase yeeshee dhaqaale-xummada Yurub soo wajahday ay darteed ugu talo jiraan iney hoos u dhigaan wax-soo-saarka shirkadda ee gawaarida xamuulka sannadka foodda innagu soo haya, islamarkaana shaqadooda ey ku waayaan shaqaale gaarsiisan 400.

Shirkadda Scania ayaa sidoo kale ku talo jirta go'aan noocaasiya iyo inay hoos u dhigto wax-soo-saarkeeda 10 illaa iyo 15% laga bilaabo bisha foodda innagu soo haysa. Halka 900 ee shaqaalaha ka mid ahina ku waayi doonaan howlahooda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".