Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qiimeeynta Cayaaraha ee Degmooyinka

La cusbooneeyay onsdag 26 oktober 2011 kl 13.55
La daabacay onsdag 26 oktober 2011 kl 13.26
Taageerada degmooyinka ee ururrada ciyaaraha
(1:29 min)
Sawirle: Anna Rydén / Sveriges Radio

Degmooyinka ey maamulaan garabka Casaan-cagaarka ayaa taageero dhaqaale ee ka ballaaran u fidiya ururrada cayaaraha, marka loo barbar-dhigo kuwa ey awoodda gacanta ku hayaan garabka Midig ee isku-tagga. Waa sida ku cad war-bixin laanta wararka Ekot ee idaacadda Iswiidhen ku wareeysatay ururrada daladda cayaaraha ee dalka ka jira maantana shaaca laga qaaday.

Catarina Laestadius, ahna masuulka kubbada gacanta ee dhallaanka BBK ee degmada Boden uuna gacanta ku hayo maamulkeeda xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ayuu dhaqaalaha degmadu ugu deeqaa gaarsiisan yahay 2 400 ruuxiiba degmada isku-celcelin.

Waa mid loo baahan yahay, maadaama ey ciyaaraha ku baxaan kharash fara-badan. Haddii middaa waalidka lagu deyn lahaana ma ahaan mid loo siman yahay.

Degmooyin gaarsiisan 278 ayaa jawaab ka soo bixiyey su'aalihii ey ka heleen ama u direen ururrada daladda ciyaaruhu iyo sida ey u taageeraan. Iyadoona ey aad ugu kala duwanaayeen degmooyinku taageerada ey u fidiyaan ururrada ciyaaraha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".