Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaalaha Saab oo Mushaarooyin la Siin Doono

La daabacay onsdag 26 oktober 2011 kl 16.45
Sawirle: P4 Väst.

Dhaqaalaha mushaarooyinka loogu tala-galay shaqaalaha shirkadda gawaarida ee Saab ayaa isniintii lagu riday qasnadda mas'uulka dib u habeeynta ama dib-u-dhiska shirkadda Saab ee Guy Lofalks, halka uu maalintii xigtey uu sheegay inay miisaaniyaddaasi soo gaartay.

Maamulka gobolka Västra Götaland ayaa sheegay kana dhiidhiyay war-bixin hore heyadaha wararka looga sii daayay laguna sheegey inuu dib u dhac ku yimid mushaarooyinkii shaqaalaha shirkadda Saab, sida ku cad qoraal war-saxaafadeed ee maamulka hayad-goboleedka.

Damaanad-qaadka mushaarooyinka shaqaalaha shirkadda Saab ayaa ku eg illaa iyo 21-ka bisha oktoobar, iyadoona maalmaha kale ee bisha ka dhiman lagu waajibiyay iney shirkaddu bixiso.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".