Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkada Ericsson oo ka iibineysa Sony qeybta ay ku laheyd mobil-ka Sony ericsson

La daabacay torsdag 27 oktober 2011 kl 09.38
Astaanta shirkada Sony Ericsson

Shirkada tilifoonada ee Ericsson ayaa qeybta ay ku laheyd sammeynta tilifoonada gacanta ee Sony Ericsson  waxay ka iibineysaa shirkada ay marka hore wadaaga ku ahaayeen ee  Sony iyada oo qarashka kala gadashada uu gaarayo 1,05 miljardi oo ah lacagta euro-da.

Sony Ericsson ayaa jirsatay toban sano shirkad ahaan  iyada oo shirkada ay wada lahaayeen shirkada qalabka elektarooniga sammeysa ee Sony ee dalkaasi Japan iyo shirkada isgaarsiinta Ericsson waxaana tan iyo deyrtii 2009-ka madax ka ahaa nin Iswidhish ah oo la yiraahdo Bert Nordberg.

"Mobile-ka Sony Ericsson waxaa guud ahaan iska yeelan doonto shirkada Sony," ayay shirkada  Ericsson ku tiri hadal qoraal ah oo ay soo saartay.

Shirkada Sony Ericsson ayaa sanadkan waxay ka gaartay suuqa tilifoonada gacanta ee caalamka 1,7 boqolkiiba taasi oo micnaheedu yahay in sharkada ay tahay shirkada sagaal ee ugu ballaaran ee caalamka waa sida ay sheegtay shirkada qaadaa dhigta arrimaha uuqa ee Gartner.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".