Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirada caruurta sida xun loola dhaqmo oo sii kordheysa.

La daabacay torsdag 27 oktober 2011 kl 10.02
Cunug la jiidayo timaha

Tirada caruurta sida xun loola dhaqmo ama la garaaco ee ilaa iyo da’da lixda sano ayaa si aad u kordheysa sida ku cad baaritaan uu sammeeyay gole baara dambiyada kaasi oo eegay warbixinada cabashooyinka ee soo gaara booliska, sida uu soo qoray wargeyska maailn laha ee Dagens Nyheter.

Inta u dhaxeysay sanadkii 2005  ilaa iyo 2009 waxaa si aad u kordhay dacwadaha la xiriira caruur si xun loola dhqamo ee gaaray booliska iyo sara kaca dacwadaha ay gaartay 140 boqolkiiba taasi oo micnaheedu yahay 2500 oo dacwad sannadkii.

Sababta ay u korortay dacwadaha caruurta sida xun loola dhaqmo ayaa ah iyada oo shaqaalaha iskuulada oo ay ku jiraan kuwa xanaanada ay inta badan soo gudbiyaan warbixino caruur la garaacay ma si xun loola dhaqmay.

Hase yeeshee waxaa la leeyahay in ay iska badan tahay cabashooyinka ku saleysan sheekooyinka ay sheegaan caruurta iyada oo uusan jirin nabaro ama wax yeelo ka muuqata.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".