Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxda Yurub oo heshiis ka gaaray mishaakilka dhaqaalaha.

La daabacay torsdag 27 oktober 2011 kl 10.57
Angela Merkel mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu miisaanka culus qaaradaYurub iyo astaanta bankiga dhexe ee Yurub ee magaalada Frankfurt. Sawirka: Scanpix.

Seylada magaalada Stockholm ayaa si aad u sare ugu kacday saakay qiima ahaan ka dib markii habeenimadii xalay hoggaamiyayaasha qaarada Yurub ay soo bandhigeen qorshe samatabixin ah oo ladoonayo in lagu xaliyo mishaakilka dhaqaalaha ee heysta ee lacagta Euro-da.

Madaxda dalalka isticmaala lacagta Euro-da ayaa waxay ku gaareen magaaladda Brussels ee dalka Biljimka heshiis ah in bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay sy iskooda hoos u dhigaan boqolkiiba konton deynta lagu leeyahay dalka Giririga iyada oo taasi micnaheedu uu noqonayo in deymaha lagu leeyahay Giriirga ay hoos u dhacaan ku dhowaad 1.000 milyardi oo ah karoonka Iswidhishka

Giriiga ayaa sidoo kale heli doono deyn dheeri oo deg deg ah.

Qasnada ay leeyihiin midowga ee xalinta mishaakilooyinka dhaqaalaha ee la yiraahdo EFSF ayaa sidoo kale la balaarin doono iyada oo madaxweynaha dalka Faransiis Nicolas Sarkozy uu sheegay in balaarinta qasnadaasi ay noqon doonto mid afar ama shan jeer ka weynaata sida ay maanta tahay laakiin faah faahinteeda ayaan weli kala cadeyn.

Dhinaca Robert Bergqvist, oo ah madax dhaqaalaha ee bankiga SEB ayaa sheegay in ay tahay xilli hore in la sheego in lacagta Euro-da la badbaadiyay.

Mishaakilka dhaqaalaha ee heysta qaar ka mid ah waddamada istcimaala lacagta Euro-da ayaa waxuu yahay mid saammeyn adag dul dhigaya mid ka mid ah dhaqaalaha ugu weyn caalamka oo ah mid midowga Yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".