Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkada Facebook oo xarumo ka furaneysa Iswiidhan.

La daabacay torsdag 27 oktober 2011 kl 11.24
Qofka Bogga Facebook kaga jira tilifoonka gacanta

Dowlada Iswiidhan ayaa aqbashay taageero maalgelin ku kacaya boqolaal milyan oo ah karoon Iswiidhan oo ay  shirkada facebook  ku maalgelin doonto xarumo macluumaadka Internet-ka ee shirkada laga hagi doono taasi oo laga furayo magaaladda Luleå ee waqooyiga Iswiidhan, sida ay maanta ka sheegtay isla magaaladda Luleå wasiirada manaafacaadka ee dalka Annie Lööf.

Qarashka maalgelinta ee xarumahan ayaa ku kici doono adduun lacageed gaaraya inta u dhaxeysa saddex ilaa iyo shan milyaardi oo karoon.

Xarumahani macluumaadka Internet-ka ee laga dhisayo magaaladda Luleå ayaa waxay u adeegi doono dadka ku nool qaarada Yurub ee isticmaala facebook.

Qorshahan ayaa ah kii ugu horreeyay ee shirkada facebook xarumo kaga furato meel ka baxsan dalka Mareykanka, sida uu shir jiraa’id ku Tom Furlong oo ah mas’uulka hoggaamin doono fulinta mashruucan.

Saddex xarumood oo ku fariisan dhul cabirkiisa la egyahay 28 000 mitir oo wareeg ah ayaa laga dhisi deegaanka Porsön ee magaalada Luleå, iyada oo xarunta ugu horreysa ay howl geli doonto muddo sanad ah gudihiisa sida lagu sheegay hadal qoraal ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".