Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamada Yurub oo taageertay go’aan dal ka saaris.

La daabacay torsdag 27 oktober 2011 kl 14.11

Maxkamada Yurub ayaa sheegtay go’aan ay horay u gaartay Iswiidhan oo ah in la masaafuriyo qof u dhashay dalka Ruwaanda oo ku eedeysan dambiyo dagaal in go’aankaasi uusan jebineynin xeerka Yurub.

Ninkan reer Ruwaanda ayaa xabsi laga sii daayay bishii Luulyo ee sannadkan ka dib markii ay sidaasi gaartay maxkamada sare ee Iswiidhan waxuuna xabsi ku jiray muddo saddex sano ah.

Ninkan ayaa rumeysan in dalkiisa Ruwaanda uusan ka heleynin maxkamad cadaalad ah waa haddii lagu celiyo balse Iswiidhan ayaan ku raacsaneyn sidaasi iyada oo dowlada Iswiidhan ay aminsantahay in ay jirto damaanad ah in uu ka helayo Ruwanda maxkamad cadaalad.

Aragtida ay Iswiidhan ka heysato hanaanka cadaalada Ruwaanda ayaa ka duwan dalalka kale ee qaaradda Yurub sida la sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".