Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaki laga qabo dumar ka soo dhacay dabaqyo.

La daabacay fredag 28 oktober 2011 kl 10.38
Fadime Sahindal, gabar hore loogu dilay fekerka dhowrista sharafka

Booliska ayaa ka shakisan in falal hablo da’ yar oo gaaraya toban ay kaga soo dhaceyn balkoonada guryahooda in uu la xiriiro dambiyada la yiraahdo dhowrista sharafta oo ah qaab qoysaska qaar dhibaato ugu geystaan gabdhahooda ka dib markii ay ku qanci waayaan hab dhaqanka gabdhahooda iyaga oo u arko in hab dhaqankaasi uu qilaafayo dhaqamada meelaha ay ka yimaadeen laakiin ma jirto cid loo soo dacweeyay ama loo qabtay hablaha ka soo dhacay ma iska soo tuuray balkoonada sida lagu sheegay barnaamij la yiraahdo Kaliber.

Hay’adaha bulshada, cilmi baarayaasha iyo bileyska laftigooda ayaa dhaliilaya qaabka loo baaro dhacdooyinkaasi.

Sida uu sheegay booliska waxaa aad u adag baaritaanka dambiyadda ceykaas ah iyada oo loo baahnyahay aqoon gaar ah dhinaca kale Devin Rexvid oo ka tirsan kulliyad sare ee culuunta qaaska ee magaaladda Ummeå ayaa aminsan in booliska ay ku yartahay aqoonta lagu baarayo dambiyada hablaha ka soo dhaca balakoonada.

-Waxaa wanaagsan in la kaashado kooxaha khubarada ah waayo kiisaska aan aniga ogahay ee gabadhaha ka soo dhacay balakoonada ee booliska uu la kaashaday khubaro gaar ah waxuu baaritaankooda u dhacay si wanaagsan. Aqoonta guud ee arrimahan waa mid wanaagsan laakiin waxay arrinta u baaahantahay in ka badan intaasi, ayuu yiri Devin.

Waxbarashada booliska oo ah labo sano iyo bar ayaa waxaa ku jirto qeybo booliska lagu baro dambiyada dilalka ee la xiriira heybada ama sharafta dhowrista ee dhici karta in dad lagu dilo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".