Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo soo saartay tallooyin safarada Thailand

La daabacay fredag 28 oktober 2011 kl 11.17
Dadka oo isku dayaya in ay ku dhex safraan daadadka qarqiyay Bangkok. Sawirle: Apichart Weerawong/Scanpix.

Wasaaradda arrimaha dibeda ee Iswiidhan ayaa soo saartay talabixin ah in muwaadaniinta dalka aysan u socdaalin ama u safrin magaaladda Bangkok ee xarunta dalka Thailand iyo sidoo kale 26 gobol oo ku yaala isla dalkaasi ka dib markii daadad xoog badan ay qarqiyeen halkaasi.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay talada xagga safarka ee Thailand in aysan quseynin cidii dooneysa in ay safaro kale kaga sii gudubto garoonka caalamiga ee magaaladda Bangkok.

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sidii hore u aheydba waxay mar kale ku celisay talo xagga safarka aheed oo ku aadaneed ilaa iyo lix gobol oo ku yaala koonfurta Thailand taasi oo ah in la aadin goboladaasi sababo la xiriira xagga ammaankooda.

Thailand ayaa ah dal inta badan loo aado dalxiis iyo arrimo la xiriira ganacsiga.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".