Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiiro qaata lacago dheeri ah

La daabacay fredag 28 oktober 2011 kl 12.39
Wasiirada qaata lacagta dheerida Sten Tolgfors iyo Tobias Billström

Wasiirka socdaalka ee Iswiidhan Tobias Billström iyo midka gaashaandiga Sten Tolgfors oo labadaba ka tirsan xisbiga Moderat-ka ee ra’iisal wasaare Fredrik Reinfeldt ayaa waxay qaataan sannadkii lacag dheeri ah oo gaareysa 80.000 oo karoon iyaga oo ku qaata sabab la xiriirta ku noolaasho labo meelood ama waxa afka Iswidhishka lagu yiraahdo (dubbel bosättning) inkastoo labada wasiir qoysaskooda ay ku noolyihiin magaaladda Stockholm oo ah halka ay fadhiso dowladda, sida uu maanta soo qoray wargeyska Aftonbladet.

Cinwaanada guri ee  ay ku qoranyihiin labadda wasiir ayaa si kala gaar ah waxay u kala yihiin magaalooyinka Malmö iyo Örebro.

Maadama labadan wasiir ay sidoo kale yihiin xildhibaano ayaa waxay xaq u leeyihiin in cinwaanadooda xagga xiriirka boostada in uu u ahaado magaalooyinka laga soo doortay xitaa haddii aysan ku nooleen halkaasi.

Lacagaha lagu qaato kaalmada kirada ayaa kicisay mowjad siyaasadeed dhowaantan ka dib markii hoggaamiyaha xisbiga Sooshiyaalka la ogaaday in lacag badan uu sidaasi ku qaatay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".