Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruur badan oo si shacri daro ah looga kaxeysto Iswiidhan.

La daabacay måndag 31 oktober 2011 kl 09.13
Sawirkan waa mid la sammeeyay wax shuqul ahna kuma lahan arrintan. Sawirle: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Waxaa sii badanaya caruurta sida shacri darada ah mid ka mid ah labada waalid uga kaxeystaan dalka Iswiidhan iyada oo imminka wasaaradda arrimaha dibeda ay gacanta ku heyso kiisas caruur laga kaxeystay Iswiidhan oo gaaraya ilaa iyo 134 kiis.

Haweeney la yiraahdo Anna Frank ayaa ka mid ah dadka caruurtooda waalidka kale uu ka kaxeystay muddo gaareysa saddex sano iyo bar ayay Anna halgan ugu jirtaa sidii ay dib ugu soo ceshan laheyd wiilkeeda oo uu ka kaxeystay aabihiisa iyada oo aabaha uu la aaday wiilka dalka Bosnia sannadkii 2008.

Anna Frank ayaa sheegtay in wiilkeeda xilli aroor ah ay geysay iskuulka xanaanada ee uu dhigan jiray  ka dibna ay soo waceen qolada xanaanada oo u sheegay  wiilka aabihii uu yimid ka dibna wiilka la waayay.

Muddo shan sano ka hor kiisaska ay maareeysay wasaaradda arrimaha dibedda ee caruurta lagaga kaxeeyay si sharci dara ah Iswiidhan ayaa waxay aheyd 72 iyada oo sannadkan marka bishiisii September tirada caruurta la kaxeystayna ay gaartay 100 waana weli kor u sii socota.

Sharaxaad loo qaateen ah oo ay arrinkan ka bixisay wasaaradda arrimaha dibedda kororka arrintan ayaa ah xaduudaha yurub oo isku furan, safaradda oo baran iyo tirada reeraha xilliga kala guurka oo sii kordhaya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iswiidhan ayaa sheegtay in ay jirto fursad caalami ah oo dib dalka loogu soo celin karo caruur la afduubtay ama si sharci dara ah looga saaray Iswiidhan waa haddii ubadka  la kaxeeyay la geeyay mid ka mid ah 80-kan dal ee saxiixay heshiiska caalamiga ee loogu magac daray axdigii The Hague.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".