Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qarashaadka adeega bulshada degmooyinka.

La daabacay måndag 31 oktober 2011 kl 11.55
Qof jiko ku shaqeysa koronto ku karinaya cunto.

Cashuurta iyo qarashyada adeega ee ay dadka ku bixiyaan isticmaalka  korontada, kululeysada guriga, qaadista qashinka iyo biyaha la istcmaalo ee degmooyinka dalka ayaa la sheegayaa in uu si badan u  kala duwanyahay kalana sarreeyo.

Kala sarreynta ama badnaanta qarashka ee u dhaxeeya degmooyinka ugu qaalisan iyo kuwa ugu jaban ayaa marka laga hadlayo waxay tahay 875 karoon bishii taasi oo sannadkii noqoneysa 10 500 karoon.

Tusaale ahaan guri saddex qol ka kooban kuna yaalla degmada Munkedal  ayaa waxaa ku baxaya bishii qarash badan oo gaaraya 2 110 bishii halka marka lala barbar dhigo degmooyinka ugu raqiisasan sida degmada magaaladda Luleå  ay bishii tahay qarashka ku baxaya isla saddex qol 1 235 karoon bishii sida ay sheegeyso warbixin maanta la soo daabacay.

Guud ahaan lix iyo tobanka degmo ee lagu eegay daraasadan ayaa warbixin laga soo gudbiyay waxay muujineysaa in qarashka ku baxa adeega bulshada in uu ka badan yahay inta lagu qiyaaso bogga saadaasha isticmaalka bulshada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".