Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacagta korontada oo la diiday in sida ay doonaan u kordhiyaan shirkadaha.

La daabacay måndag 31 oktober 2011 kl 12.15
Wershad dhalisa koronto magaaladda Västerås. Sawirka: Patrik Åström / SR

Shirkadaha korontada ee Iswiidhan ayaan laga aqbali doonin in ay dadka ku kordhiyaan qarashka korontada ilaa iyo inta ay iyaga doonayaan iyada oo go’aankan shirkadaha sidaasi loogu diidayana ay gaartay hayada ilaalisa suuqa kala iibsiga korontada ee El.

Haddii la raaco sida ay shirkadaha doonayaan, waxaa qarashka korontada ku kordhaya 5,6 boqolkiiba ka hor sicir  bararka sida ay sheegtay EI.

Laakiin qarashka korontada ayaa waxaa hadda la kordhin karaa oo keliya 2 boqolkiiba ka hor sicir bararka laakiin kala duwanaasho weyn ayaa u dhaxeeya shirkadaha.

Waa markii ugu horreysay ee sicirka korontada si horudhac ah loo go’aamiyo waana sida uu qabo sharciga midowga Yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".