Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Saab oo dhimeysa shaqaale gaaraya 500.

La daabacay måndag 31 oktober 2011 kl 13.19

Kulanka maanta ka dhacay degmada Vänersborg ee looga hadlayo qorshaha howl gal iyo midka ganacsi ee mutaqbalka shirkadda sammeysa baabuurta ee Saab ayaa waxaa lagu shaaciyay in shirkada ay ka joojin doonto shaqada shaqaale gaaraya shan boqol.

Saab ayaa waxay sheegtay in shaqaale dhimistan ay ku baajin doonto lacag gaareysa hal milyaardi taasi oo la filayo in ay ku harto qasnada shirkada.

Labo shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa si buuxda u iibsaday shirkadda Saab iyada oo mid ka mid ah madaxda shirkadaasina uu maanta joogay shirka ka dhacay Vänersborg.

Saab ayaa ku sababeysay shaqaale dhimista in ay salka ku heyso xaaladda murugsan ee xagga dhaqaalaha ee shirkadda la soo deristay ka hor inta aysan iibsan shirkadaha shiineeska iyo muddo dheer oo uu hooseeyay wax soosaarka shirkadda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".