Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamaddii Suxufiyiinta ee Itoobiya

La daabacay tisdag 1 november 2011 kl 12.50

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa saaka waxaa dib uga furatay maxkamaddii labada suxufi ee iswiidhishka Martin Schibbye iyo Johan Persson. laguna soo oogey dacwad ka dhan ah ee la xiriirta fal argagixisnimo iyo iney dalkaasi sharciraddo ku galeen.

Markhaatigii ugu horeeyey ee xeer-ilaaliyaha kana mid ahaa ciidankii gacanta ku soo dhigay suxufiyiinta uu sheegay in aaney suxufiyiintaasi hubeeysneyn kolkii gacanta lagu dhigayey.

Maanta ayaa maxkamadda marka hore la dhageeysan doonaa afar markhaati, iyadoo dabadeed la daawan doono sawir/aflaan ey suxufiyiintu duubeen laguna eedeeyey iney hubeeysnaayeen oo tababar hubna ku jireen.

Maxkamadda ayey goob-joog maanta ka ahaayeen diblomaasiyiin ka socotey waddammada Mareeykanka, Jarmalka iyo Iswiidhen, si ey u indhaindheeyaan habka maxkamaddu u dhaceeyso iyo sida loo dhowrayo xuquuqda suxufiyiinta.

Isha: ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".