Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Madaxa Dawladda Iswiidhen oo ka Hadlay Go'aanka Griiga

La daabacay tisdag 1 november 2011 kl 14.57
Reinfeldt oo walaac ka muujiyey qorshaha dawladda Giriigga
(2:34 min)

Hogaamiyaha dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ayaa walaac ka muujiyay akhbaarta ka soo yeedhey hoggaanka dhiggiisa ee dalka Giriigga iyo in bulshada dalkaa cod looga qaadi doono heshiiska ey hoggaanka waddammada ku midoobey ururka EU-du ku gaareen sidii loo badbaadin lahaa dhaqaalaha dalkaa:

- Waa go'aan la xiriira siyaasadda gudaha ee dalka Giriigga iyo sidii bushada Giriigga looga dhaadhicin lahaa tallaabooyinkan. Halka dhanka kale uu go'aankaasi hor-seedi karo ammaandarro iyo welwel hor leh, maadaama aan la caddeyn goorta iyo sida codeeyntaa loo qaban doono, sidoo kale tallaabada xigta ee la qaadi doono haddii bulshada aqlabiyaddeeda ey ugu codeeyaan maya iyo doodaha la xiriira in dalkaasi ka baxo ururka lacagta ee Euro-ooga.

Haddaba su'aasha la xiriirta saameeynta uu go'aankani ku yeelan karo ururka Midowga Yurub iyo dalkan Iswiidhen ayuu Reinfeldt sidan uga jawaabay:

- Midda ugu horeeysa ee go'aankani hor-seedi karo waa xaalad aan sugneeyn iyo sidoo kale doodo iyo qorshooyin hor leh ee la xiriira sidii is-bedello dib u habeeyn loogu sameeyn lahaa dalka Giriiga. Waxaa jira dhaleeceeymo soo noq-noqda ee la xiriira in aan laga soo bixin ballammihii taageero ee loo ballan qaaday. Haddii su'aalaha noocaasiya dib u soo cusboonaadaanna waxaa dhici karta in muddo ka dheer uu xalkaasi qaato, sida uu sheegay Fredrik Reinfeldt, madaxa dawladda ee dalka Iswiidhen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".