Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shamdadda Suuqyada Yurub oo Hoos u Dhacay

La daabacay tisdag 1 november 2011 kl 16.36

Shamdadda dhaqaalaha suuqyada Yurub ayaa aad hoos ugu dhacay kadib go'aankii maamulka dalka Giriiggu ku sheegey in bulshada dalkaasi cod loogu qaadi doono. Shamdadda Istockholm ayaa hoos u dhacday ugu yaraan 5%.

Halka sidoo kale ey aad hoos ugu dhaceen qiimaha saamiga bangiyada Yurub. Afarta bangi ee dalka ugu waaweyn ayaa sidoo kale hoos u-dhac ku yimid, iyadoona uu ugu liito bangiga SEB oo uu saamiga waraaqihiisu hoos u dhaceen 8,6%.

Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibadda ee Iswiidhen oo ku sugan magaalada London si uu uga qeyb-galo kulan caalamiya ee la xiriira aaladda Internetka ayaa sheegay in farriinta ka soo yeedhay dalka Giriiggu ahayd mid kedis ku noqotay, sida ay qortay hayadda laanta wararka ee TT.

- Waa mid sidaa la oran karo. Way igu adag tahay inaan fahmo sidii su'aasha loo dhigi lahaa. Waxaana loo baahan yahay in wax badan la qeexo. Su'aashu ma waxay ku saabsan tahay inuu dalkaasi doonayo in la badbaadiyo iyo in kale?, sida uu sheegey Carl Bildt.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".