Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tirakoobka Gawaarida Cusub ee la Iibsadey

La daabacay tisdag 1 november 2011 kl 16.49
Sawirle: Mark Earthy / SCANPIX

Bishii oktoober ee sannadkan ayaa dalka laga diiwaan-geliyey gawaari cusub ee gaarsiisan 25 052, sida uu qorey ururka Bil Sweden, waana mid hoos u dhacday marka loo barbar-dhigo bishii oktoober ee sannadkii tagay.

Illaa iyo hadda ayey tobankii bilood ee ugu horeeyey sannadka kor u kaceen gawaarida cusub ee la iibsadey 8,4%, marka loo barbar-dhigo isla xilligaa sannadkii 2010.

"Iyadoona dhaqaalaha liicaya ee Yurub aannu illaa hadda wax caqabad ah ku dhalin amuurtaa, sida uu qoray agaasimaha ururka Bil Swden Bertil Moldén".

Iibsiga gawaarida cimilada u wanaagasan ayaa kor u kacay bishii oktoober 2,7% gaareyna 11 135, halka gawaarida ku shaqeeysa shidaalka Diiselka ey kor u kaceen 10,8% isla bishii oktoober

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".