Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Buug laga Qoray Ciidankii Amaanka ee Jarmalka Bari

La cusbooneeyay onsdag 2 november 2011 kl 14.40
La daabacay onsdag 2 november 2011 kl 11.11
Buug laga qoray Stasi
(2:17 min)
Birgitta Almgren. Sawirle: Henrik Montgomery/Scanpix

Wakiilka/matalaha ugu sareeya ee dawladda ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno JK ayaa go'aansaday in baaritaan lagu furo qoraayadda Birgitta Almgren iyo iney jebisay ballaantii ahayd heshiiskii xog-ilaalinta (in aaney cid kale gaarsiin karin war-bixinta ay ogaatay), kadib kolkii hayadda nabad-sugidda ee Säpo u furtay feylalka dadyowgii iswiidhishka ahaa ee la shaqeeyn jiray hayaddii nabad-sugidda Stasi ee dalkii hore loo oran jiray Jarmalka Bari.

Ciidanka ammaanka ee Säpo ayaa ka codsaday JK in baaritaan la xiriira lagu sameeyo qoraallada buugga iyo in dad 50 gaaraya lagu soo dibad-dhigay. Buugga ayaa lagu xusay magacyadii sirta ahaa ee dadyoowgaa ey ku howl-geli jireen iyo war-bixinnadii ey u gudbiyeen Stasi.

Birgitta Almgren, ahna caalimad ka howl-gasha jaamicadda Södertörn ayay maxkamadi u sharciyeeysay in feylalka ciidanka nabad-sugidda ee Säpo middaa ka hayaan loo furo. Iyo sidoo kale in maxkamaddu go'aamisay in aanay xogta ay caalimaddu halkaa ka ogaato aanay cid kale gaarsiin karin, taasina oo hor-seedi karta in la ogaado cidda laga hadlayo. Sidoo kale in aanay magacaabi karin shaqaalaha ciidanka nabad-sugidda, howlaha ay qabtaan iyo habka ey u howl-galaan. Haddii ay jabiso go'aammada maxkamaddana ay jebisay xeerka xog-ilaalinta.

Birgitta Almgren ayaa sheegtay inaaney jebin wax xeer ah iyo go'aankii maxkamadda dawladdu gaartay.

- Buug ayaan qoray aniga oo raacaya go'aankii maxkamadda dawladda mana aanan jabin waayo waan qariyay magacyadii.

Hayadda nabad-sugidda ee Säpo ayey soo gaareen waraaqo dad kaga cawdeen in buugga aad qortay lagu garan karo cidda ey yihiin.

- Ma ahan xaalad aan ka hadli karo. Waan sireeyey dadkaa, aniga oo raacaya go'aankii maxkamadda.

Isha: Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".