Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Anders Borg oo ka Hadlay Xaaladda Giriigga.

La cusbooneeyay onsdag 2 november 2011 kl 14.32
La daabacay onsdag 2 november 2011 kl 13.59
Anders Borg oo ka faalooday welwelka dhaqaale
(1:41 min)

Wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen Anders Borg ayaa ka faallooday xaaladda welwelka dhaqaale ee go'aankii maamulka Giriigu ku gaareen in shacabka cod looga qaado sidii loo hir-gelin lahaa heshiiskii toddobaadkii ina dhaafay ku gaareen madaxda waddammada ururka Midowga Yurub sidii dalka Giriigga looga taageeri lahaa dhaqaalexumida la soo gudboonaatay.

- Midda ugu dhibka badan ayaa noqon doonta haddii bulshada Giriigu maya ugu codeeyaan. Way aadkaan doontaa in la miisaaniyad geliyo dhaqaalahooda haddii aaney diyaar u ahayn tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda dhaqaale ee dalkaasi.

Waa midda sababeeysa welwelka dhaqaale ee qaaradda islamarkaana way adagtahay in saadaalin laga sameeyo. Waxaa dhici doonta laga yaabaa doorasho hor leh. Waxaa sidoo kale nasiibdarro ah in xisbiyada mucaaradku aaney sidii ku habooneeyd aaney masuuliyaddooda uga soo bixin.

Anders Borg ayaa isaga oo hadalkiisii sii wata ku daray in masuuliyadda dhankiisa ka saarani tahay sidii aannu dalkani xaalad middaa la mid ah u geli lahayn, loona adkeeyn lahaa dhaqaalaha bangiyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".