Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cabbir: Horumarka Bani'aadamka

La daabacay onsdag 2 november 2011 kl 15.20
Arday dhigata xannaanada. Sawirle: Jonas Ekströmer / SCANPIX / kod 10130

Dalka Iswiidhen ayaa kaalinta tobanaad ka galay cabbir sannadle ah ee hor-u-marinta bani'aadamka ayna sameeyso heyadda caalamiga ee Qarammada Midoobey.

Hase yeeshee kolka laga hadlayo arrimmaha sinnaanta ayuu dalkani kaalinta koowaad ka galay cabbirkaa, halka uu isku-dheeli-tirka mushaarooyinka ka galay kaalinta saddexaad, iyadoo dhanka kale aan og-soonnahay caqabadda kala duwanaan ee mushaarooyinka.

Dalka Noorway ayaa sidii sannadahii ugu dambeeyeyba kaalinta koowaad galay.

UNDP laanta hor-u-marinta ee heeyadda Qarammada Midoobey ayaa sannadkii mar sameeysa cabbir la xiriira waxa ay ugu magac-dartay "hor-u-marka bani'aadamka ee waddammada caalamka. Cabbirkan ayaa lagu saleeyaa tusmada HDI, Human Development Index - Tusmada Horumarka Bani'aadamka, ahna saddex tiirle: dakhliga, caafimaadka iyo tacliinta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".