Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kiro aan Saddex Sannadood la Bixin

La daabacay onsdag 2 november 2011 kl 17.03
Xarunta arrimmaha dibadda. Sawirle: Foto Bertil Ericson

Muddo saddex-sannadood ku dhowaad ah yaanay wasaaradda arrimmaha dibaddu bixin kiradii xarunta safaaradda dalkani ku leedahay Luwaanda ee caasimadda dalka Angoola.

Amuurtaa ayuu soo ogaaday xildhibaan Kent Härstedt oo baarlamanka dalkan u matala xisbiga (S), mar uu booqasho howleed ku tagay dalka Angoola, isagoona fariin hor dhigay Carl Bildt, wasiirka wasaaradda arrimmaha dibadda sharraxaad sababta ay amuurtaasi ku dhacday.

Hase yeeshee sida uu sheegay masuulka heeganka wararka ee wasaaraddu in amuurtaa go'aan laga gaaray dhowaantan lana bixin doono sida ugu dhakhsiyaha badan.

Kiradii ugu dambeeysay ayay wasaaraddu bixisay bishii diseembar ee sannadkii 2008.

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".