Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Mishaakilka dhaqaalaha Yurub

Giriiga oo loo qabtay waqti kama dambeys ah.

La daabacay torsdag 3 november 2011 kl 09.12
Nicolas Sarkozy iyo Angela Merkel oo shirka jaraa'id wadajir ugu qabtay Cannes

Dalalka ugu tunka weyn ee isticmaala lacagta Euro-da ayaa waqti kama dambeys ah u qabtay dalka Giriiga oo kaalinta kowaad kaga jira mishaakilka dhaqaale ee ka jira qaaradda Yurub iyadoona la bixin doonin lacagta samatabixinta ee uu u baahanyahay Giriiga ilaa inta ay ka dhaceyso aftida laga qaadayo dadka Giriiga ee  uu kaga yaabiyay qaaradda inteeda kale Ra’iisal wasaaraha Giriiga George Papandreou.

Shir jiraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaaladda Cannes ee koonfurta dalka Fransiiska madaxweynaha France Nicolas Sarkozy iyo ra’iisal wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayay labaduba waxay ku sheegeen in aftida la weydiinayo dadka Giriiga in jawaabteeda ay noqoto haa oo micnaheedu yahay in ay oggolaadaan sharuudaha lacagta samatabixinta ee la siinayo dalkaasi.

Maanta gelinka hore ayay isugu yeereen Angela Merkel iyo Nicolas Sarkozy qaar ka mid ah madaxda wadamada isticmaala Euro-da ee qaaradda Yurub shir muhiim ah  si la iskula meel dhigo tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Dalalka Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ah wadamadda ugu waaweyn ee ku jira xeendaabka laga isticmaalo lacagta Euor-da ee qaaradda Yurub waana labo dal oo gaari kara go’aano kama dambeys ah.

Sarkozy iyo  Merkel ayaan qarin waayay carada ay ka qaadeen go’aanka uu gaaray ra’iisal wasaaraha Giriiga ee ah in uu ka qaadayo dadkiisa afti ku aadan qorshaha samatabixinta ee dhaqaalaha dalkiisa.

Isla magaaladda Cannes ee koonfurta Fransiiska ayaa waxaa ka jira kulan isna muhiim ah oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyayaasha ugu awooda weyn dalalka la isku yiraahdo G20 iyada oo uu jiro feker ah in arrinta mishaakilka ka jira dalalka Euro Zone-ka la isku soo qaadi doono.

Madaxda kulankaasi ka soo qeyb geli doonto ayaa waxaa ku jira madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo ra'iisal wasaaraha dalka India Manmoham Singh.

Dunida oo dhan ayaa la yaabtay markii Papandreou uu ku dhawaaqay maalintii Isniinta in Giriiga uu afti ka sammeyn doono qorshaha cusub ee dhaqaalihiisa lagu samatabixinayo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".