Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Maxkamada weriyayaasha

Maxkamdeynta weriyayaasha Iswiidhishka ee Itoobiya ku xiran.

La daabacay torsdag 3 november 2011 kl 10.08
1 av 2
Martin Schibbye iyo Johan Persson oo ku xiran xabsi ku yaalla Itoobiya tan iyo 3 Luulyo. Sawirle: Anna Roxvall/Swedish Radio. Montage: Swedish Radio.
2 av 2
Wejiga hore ee maxkamada lagu qaadayo dacwada labadda weriye ee Addis Ababa

Garsooraha haya dacwada labadda weriye ee Ishwidhiska kuna xiran dalka Itoobiya ayaa qaba aragti in baaritaan dheeri ah lagu sammeeyo  dacwada loo heysto labada weriye ee ah argagixisanimo iyo in si sharci daro ah ku galeyn Itoobiya, sida uu u sheegay wakaaladda wararka TT weriye Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Abraham Fisseha kaasi oo goob joog ku ah maxkamada gudaheeda.

Garsooraha ayaa go’aansaday in baaritaan dheeri ah lagu sammeeyo eedeymaha ah in weriyayaasha ay kaalmo siiyeen urur aragagixiso iyo in si sharci daro ah ku galeyn dalka Itoobiya iyada oo weriyahan u hadlay TT uu sheegay in qodobka ah in weriyayaasha ay ka qeyb qaateen falal arargixiso aan la horkeeni doonin maxkamada.

Dibolomaasiyiin ka socda dhowr dal ayaa isha ku haya lana socda maxkamadeynta labada weriye ee  Martin Schibbye iyo Johan Persson oo ka socota magaaladda Addis Ababa.

Wadamadda Kanada, Mareykanka, Finland, Jarmalka, Beljimka iyo Midowga Yurub ayaa goob ka ah maxkamadeynta iyada oo tani lagu micneeyey midnimo ay muujinayaan dalalkan iyo in ay isha ku hayaan in maxamadeynta labadda weriye ay u dhacdo si cadaalad ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".