Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Xaflada Nobel

Hogaamiyaha xisbiga Sverige Demokrat oo aan lagu casuumin xafladda Nobel.

La daabacay torsdag 3 november 2011 kl 11.02

Sidii sanadkan kii ka horreeyay oo kale ayaan waxaan lagu casuumin hoggaamiyaha xisbiga Sverige Demokrat-ka Jimmie Åkesson xaflada lagu bixin doono abaalmarinada Nobel ee dhici doonto  10-ka bisha soo socota ee Diseember iyada oo dhinaca kale xaflada lagu casuumay hoggaamiyayaasha kale ee xisbiyada ku jira baarlamanka.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga maamula bixinta abaalmarinta Nobel Lars Heikensten ayaa hadal qoraal ah oo uu saaray waxuu ku sheegay in  aysan jirin sabab lagu bedeli karo go’aankii sanadkii hore ee ahaa in aan xaflada lagu casuumin Jimmie Åkesson waayo baa la leeyahay xisbiga Jimmie Åkesson ee Sverige Demokrat-ka ayaa lidi ku ah mabaadi’da ku jiray dardaarinkii Alfred Nobel oo ah hidisihii reer Iswiidhan ee loogu magac daray abaalmarinta.

Jimmie Åkesson ayaa isaga waxuu qabaa in sababta loogu diiday ka qeyb galka xaflada ay salka ku heyso faham qaldan oo laga qabo siyaasada xisbigiisa isaga oo dhinaca kalana sheegay in ka qeyb galida xaflada aysan kala maqneen isaga muhiimad gaar ah uuna ka la mid yahay sagaalka milyan ee ruux ee Iswidhishka ah ee aan lagu casuumin ka qeyb galka xafladda.

Xaflada lagu bixiyo abaalmarinada Nobel ayaa ah mid caalami ah lehna muhiimad aad u weyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".