Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
caafimaadka

Iswiidhan oo loogu baaqay in caruurta laga talaalo cudurka Hepatit B.

La daabacay torsdag 3 november 2011 kl 15.33
Qof la talaalayo. Sawirle. Bertil Ericson/Scanpix

Lix dhaqaatiir oo ah kuwa ku taqasusa cudurada infekshinka iyo kuwa faafa ayaa maanta waxay soo saareen maqaal uu soo daabacay wargeyska maalin laha ah ee Dagens nyheter kaasi oo ay ku sheegeen in imminka la joogo xilligii la talaali lahaa guud ahaan caruurta aadka u da’da yar ee ku nool Iswiidhan talaalkaasi oo xitaa ku jiro midka cudurka cagaarshowga nooca Hepatit B.

Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa beri hore soo jeediyay in guud ahaan  dhallaanka da’da yar laga talaalo xanuunka cagaarshowga ee Hepatit B balse Iswiidhan ayaan raacin tallo soo jeedintaasi.

Dhaqaatiirta ayaa ku sheegay maqaalkooda maanta la soo daabacay in qarashka ku baxaya sanadkii talaalka Hepatit B  uu yahay ku dhowaad 12 milyan oo Karoon kaasi oo ah qarash aad u yar marka lala barbardhigo qarashaadka ku baxa talaalada kale.

Hayada arrimaha bulshada ee Socialstyrelsen ayaa soo dhoweysay hindisah ah in guud ahaan caruurta laga talaalo cudurka cagaashowga ee  hepatit B.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".