Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dhaqaalaha

Lacagta dul saarka bankiga dhexe ee dalka.

La daabacay fredag 4 november 2011 kl 10.07
Astaanta Bankiga dhexe ee Iswiidhan.Sawirle: Pontus Lundahl/Scanpix.

Waxaa ku sii kordhaya bankiga dhexe ee dalka cadaadis ah in uu dhimo heerka lacagta dulsaarka bankiyada dalka ka dib markii bankiga dhexe ee qaaradda Yurub uu si lama filaan ah uu hoos ugu dhigay dulsaarkiisa ugu muhiimsan 0,25 boqolkiiba iyada oo imminka lacagta dulsaarka ee bankiga dhexe ee qaaradda Yurub uu yahay 1,25 boqolkiiba.

Hoos u dhigistan ayaa ah astaan muujineysa in kobaca dhaqaalaha qaaradda Yurub in uu ka hooseeyo inta lagu sheegay saadaalaha la sammeeyay.

Waxaa laga cabsi qabaa in dhimista lacagta dul saarka ee uu sammeeyay bankiga dhexe ee Yurub ee ECB oo ay raacdo Karoon Iswiidhan oo qiimahiisa sii xoogeysta in taasi ay dhibaato ku noqoneyso alaabadaha ay Iswiidhan dibedda u iib geyso.

Farqiga u dhaxeeya lacagta dulsaarka bankiga dhexe  Iswiidhan oo hadda ah 2,0 boqolkiiba iyo midka bankiga dhexe ee qaaradda Yurub oo ah (1,25 boqolkiba) ayaa ah 0,75 boqolkiiba.

Harry Flam oo ah professor ka dhiga jaamacadda Stockholm culuunta dhaqaalaha caalamiga ayaa ayaa sheegay in uu rumeysanyahay in bankiga Iswiidhan uu dhowaantan hoos u dhigi doono lacagtiisa dulsaarka iyada oo raacayo mid bankiga dhexe qaaradda Yurub.

Bankiga dhexe ee Iswiidhan ayaa gaari doono go’aankiisa siyaasada maaliyada bisha Diseember ee soo socta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".