Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Caafimaadka Wadnaha oo laga hadlay.

La daabacay fredag 4 november 2011 kl 10.45
Qofka wadnahiisa lagu daweynayo koronto. Sawirle: Björn Larsson Ask/Scanpix.

Waxaa la sheegay in saddex meelood hal meel dadka uu ku dhacay wadno xanuunka ama xanuunada kediska ah ee qofka wadnaha uu  istaago in aysan dadkaasi ku dadaaleynin sidii ay wax ugu bedeli lahaayeen habka ay u noolyihiin ee xagga cuntada iyo jimicsiga iyada oo sannad ka dib uu ku dhaco dhiig kar iyo cudurka kolestaroolka ee dufinta ku badata dhiiga.

In badan oo ka mid ah dadkani ayay cilmi baaris la sammeeyay waxay sheegeysa in ay halis ugu jiraan in mar kale wadnaha istaago.

Staffan Joephsson oo ah agaasime guud ee ururka ku taqasusay xanuunada wadnaha iyo sanbabada una waramay wakaaladda wararka ee TT oo iyadu qeyb ka aheyd cilmi baaristan ayaa sheegay in marka bukaanka uu dhowr jeer tago Cisbitaalka in shaqaalaha cisbtitaalka ay sammeeyaan diiwaan ay kula socdaan xaaladda bukaanka si loo hagaajiyo xaaladiisa caafimaadka

Ku dhowaad 37 000 oo qof ayuu sannad kasta wadnaha istaaga dalka Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".